Wakaaladda Xoogga korontada Umadda ayaa kamid ah goobaha qaran ee ilaa iyo hadda shaqaynaya tan iyo bur-burkii dowladdii dhexe ee Somalia,waxaana xaruntan ay ka bad-baadday saamaynta colaadihii dhacay ,iyada oo uu hogaaminayay gudoomiyihii hore ee shirkadda ahna maamulihii xaruntan Allaha ha u naxariisto Eng. Abshir Muuse Saciid.
Nasiib wanaag hogaanka shirkadda iyo shaqaalaheeda ayaa u istaagay sidii ay shirkaddu u sii shaqayn lahayd markii ay dagaalada sokeeye dhaceen sanadkii 1990-kii ,iyaga oo taageero ka helaya dowladda Puntland iyo shacabka magaalada Bosaaso.
Shirkadda ayaa ahayd mid hormar balaaran samaynaysa sanad walba ,isla markaana si baahsan u dabooshay baahiyihii korontada ee magaalada ,waxaana ay si joogta ah shirkadda ugu qayb-qaadatay koritaanka magaalada Bosaaso iyo bixinta adeegyo la isku halayn karo.
Hadii aan yara jaleecno adeegyada koronto ee Shirkadda ,waxaan oran karnaa WXKU ayaa 90% siisa adeegyo koronto dadka ku nool magaalada Bosaaso ,waxaana ay tani muujinaysaa awoodda shirkadda ee dhanka suuqa iyo sida ay maamulkeeda ugu heelan-yihiin horumarinta adeegyada ay bixiso ,iyada oo si gaar ah isha ugu haysa adeegyada Qaran ee dalka oo dhan.
Hadaba WXKU ayaa bixisa adeegyo bilaash ah bil walba ,taasi oo la siinayo goobaha danta guud sida:
1-Masaajiyada iyo madaarista lagu barto diinta Islaamka ,waxaana uu adeegyadaas si rasmi ah u gaara ilaa iyo 90-xarumood oo lagu qiyaasay lacagta ku baxda in ay gaarayso $25,000 oo dollar bil kasta.
2: Shirkadda ayaa adeegyo koronto oo dhan $18,000 oo dollar siisa dekadda magaalada Bosaaso si bilaash ah bil walba.
3:Waxaa shirkaddu ay adeegyo koronto oo bilaash ah siisaa saldhigyada booliska iyo xabsiyada ,waxaana adeegga ay siiso lagu qiyaasay lacag dhan 36000 oo dollar.
4: Shirkaddu si lamid ah waxa koronto lagu qiyaaasay $1,200 oo dollar ay siisaa guriga gobolka ee magaalada Bosaaso.
5: WXKU ayaa si lamid ah adeeg koronto oo bilaash ah siisa isbitaalka weyn ee magaalada Bosaaso ,waxaana korontadaas ay ku filantahay 73% adeegyada caafimaad ee Isbitaalka uu qabto ,waxaana korontada la siiyo ay u dhigantaa lacag gaaraysa $19,000 oo dollar bil walba.
6-Shirkadda Eeneye ayaa sidoo Koronto bilaash ah galisay waddooyinka waa weyn ee magaalada Bosaaso ,taasi oo marka aad eegto kuu muujinaysa bilac aan la dhayal-san Karin oo magaalada ku soo korortay.