Wakaaladda Xoogga korontada Umadda ee ENEE Boosaaso ayaa ka jawaabtay cabasho kasoo baxday Shirkadda Isgaarsiinta ee Golis, taasi oo farriimo qoraaleed u dirtay macaamiisheeda ku eedaysay ENEE inay jartay adeegyo Internet iyo xargo taleefano oo shirkaddu ay lahayd.
Maamulka ENEE ayaa Shir jara’id uu ku qabtay maanta xafiiskiisa Boosaaso,waxaa uu sheegay in aanay waxba ka jirin eedaynta shirkadda Golis,waxaana ay wax laga xumaado ku tilmaameen inay iyadoo adeegsanaysa Isgaarsiinta ay si khaldan u isticmaasho fidinta warar been ah
Agaasimaha Wakaaladda Xoogga Korontada Ummadda guuleed Abshir Muuse oo war-saxaafadeed soo saarey ayaa sheegay in shirkadda Golis ay khatar ku tahay baalaayaasha shubka ah ee xanbaara fiilooyinka korontada, kuwaas oo ay hoos dhigeen fiilooyin aad u badan iyo layman khaldan oo halis ku ah hannaanka xargaha korontada, ENEE ayaa sheegtey in baalayaasha korontada loogu tala galay in ay xanbaaraan keliya fiilooyinka Korontada.
halkaan ka daawo